Jubbaland oo fidisay gogol ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya
Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay go’aan ay ku hakiyeen xiriirka iyo wada shaqayntii ay la lahaayeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inay ku xadgudubtay Dastuurka KMG ee Soomaaliya.
Jubbaland waxay cambaareysay tallaabooyinka Dowladda Federaalka oo ay ku tilmaantay kuwo sharci-darro ah, khatarna ku ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Go’aankan oo ay soo saareen Golaha Wasiirada Jubbaland wuxuu si gaar ah u taabtay arrimaha la xiriira:
Wax ka beddelka Dastuurka
Xeerarka Doorashooyinka Qaranka,
kuwaas oo Jubbaland ay ku tilmaantay “afgambi ka dhan ah nidaamka dastuuriga ah.”
Goluhu wuxuu sheegay in tallaabooyinkani khatar ku yihiin dowladnimada dalka, isla markaana halis gelinayaan isku-duubnida dadka Soomaaliyeed.
Jubbaland waxay ku baaqday Gogol Wadatashi Qaran oo ay ugu yeertay dhammaan saamileyda siyaasadda dalka si looga arrinsado mustaqbalka dowlad-dhiska iyo midnimada Soomaaliya.