U bood dhigaalka

Muxuu ku saabsan yahay Safarka Ra’iisul Wasaare Xamse ee Nairobi?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa safar ku tagay magaalada Nairobi ee Kenya, isagoo hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda Federaalka.

Socdaalkaas waxaa lagu sheegay inuu salka ku hayo arrimo dhowr ah, oo ay ugu weyn tahay xalinta xiisadda siyaasadeed ee ka dhex oogan dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo hannaanka maamul ee Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah ugu eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, in uu qabtay hanaan doorasho oo aan sharciyad lahayn, isagoo ku tilmaamay in Madaxweyne Madoobe uusan sharci ahaan u xaq lahayn inuu markale xilka qabto maadaama muddo xileedkiisu dhamaaday.

Dhinaca kale, safarkan ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, oo ay ku jiraan iskaashiga amniga, horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, waxbarashada, iyo dalxiiska.