koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Daarasalaam, Guure Maxamed Xersi, xilli uu ku sugnaa xarun jimicsi (gym) oo ku taal Isgoyska Ex-Koontarool Balcad, dhanka degmada Hilwaa ee Muqdisho.
Weerarkan ayaa sababay dhaawac oo soo gaaray guddoomiyaha, halka mulkiilihii xarunta jimicsiga lagu dilay goobta, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka Daarasalaam.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kooxda hubeysan ayaa goobta qaatay gaariga uu lahaa Guddoomiye Ku-Xigeenka, kaas oo la sheegay inuu bannaanka xarunta yaallay.




From the comments