U bood dhigaalka

Shir ku saabsan Amniga Caasimadda oo Muqdisho ka dhacay

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi , ayaa gudoominayay shirka amniga ee Caasimada kaasi oo ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska soomaaliyeed.

Shirkaan waxa ka qeyb galay saraakiisha kala duwan ee hay’adaha Amaanka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, oo warbixino dhanka amaanka iyo howlgaladii u danbeeyay ka dhageystay saraakiisha ayaa faray in ladardar galiyo amniga caasimada iyo sidii loogu adeegi lahaa Bulshada ku dhaqan Caasimada.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in wax laga qabto cabashooyinka ay qabaan shacabka caasimada ee ku aadan dhanka Amniga iyo Mashquulka ka jira Waqooyiga.