Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Bashir Moallim Ali Hassan iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka Gaashaanle Dhexe Saciid Cali Maxamuud (Saciid Baryare) ayaa lagu shaaciyay in mootada Nooca Labo Lugleyda ah ee loo yaqaanno “Motocyle” aan loo ogolaan doonin inay qaadaan wax ka badan labo qofood, Marks ay kaxeynayaan Mootada ay xirtaan Koofida difaaca Madaxa iyadoo sidoo kalana Darawallada Mooto Labo Lugleyda ay ku wadi karaan ruqsad darawalnimo ee Laysinka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada bixiso.
Waxaa sidoo kale amar lagu bixiyay in Gaadiidka Waaweyn ee Xamuulka ay dayactir ku sameeyaan Gaadiidkooda, Lana aqbali doonin Gaari aan Bed-qabkiisa la hubin in uu shaqeeyo.
“Gaadiiidka aan lahayn Fariinka, Hoonka, Haadadka, Miraayadaha, Nalalka iyo Dhammaan Shuruudaha Bed-qabka Gaadiidka looma ogolaan doono inuu shaqeeyo, Fadlan Walaal Sameyso Gaarigaaga Oo Badbaadi Nafta Iyo Hantida Dadweynaha Iyo Taadaba” Ayuu yiri Agaasime Bashiir Oo si adag ula hadlay Gaadiidleyda ku shaqeysata Gaadiidka Duqoobay.




From the comments