U bood dhigaalka

Saraakiil horay uga tirsanaa ciidanka Jubbaland oo sheegay in ciidamada Raaskaanbooni joogaahi aysan cidna aan Alshabaab ahayn weerari doonin

Saraakiil horay uga tirsanaa daraawiishta maamulka Jubbaland oo hadda kamid ah ciidanka xoogga dalka ee jooga deegaanka Raaskaanbooni ayaa sheegay inaanay u socan weerar ka dhan ah maamulka Jubbaland ee ay u diyaar garoobayaan sidii ay Alshabaab ula dagaalami lahaayeen, islamarkaana ula wareegi lahaayeen dhulka ay ka baxayso ATMIS .

Saraakiishan ayaa farriin u diray dadweynaha magaalada Kismaayo iyo ciimadamada daaraawiishta Jubbaland, ayagoo sheegay in magaaladaas aysan cidna weerar ku ahayn, ayaguna ay degganyihiin oo aanay qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan dhib iyo colaad u quurayn.

Hadalka saraakiishan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxda dowlad goboleedka Jubbaland ay sheegeen dowladda Soomaaliya ay weerar ku tahay, islamarkaana ay si adag isaga caabin doonaan, waxa ay ugu yeereen burburinta maamulkooda.