Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada qalabka sida, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.




From the comments