U bood dhigaalka

Xaaladda Kuuriyada Koofureed oo wali kacsan iyo Madaxweyne Yoon oo loogu baaqay in uu iscasilo

baarlamaanka dalka Kuuriyada Koofureed ayaa ku baaqay in xil laga xayuubiyo madaxweyne Yoon Suk Yeol, ka dib markii uu Talaadadi shalay ku dhawaaqay sharciga dagaalka loo adeegsado ee martial law, kaas oo uu marki danbe dib uga laabtay.

Soo saarista sharciga dagaalka ee martial law, ayaa dhalisay xasaraddii ugu weyneyd ee siyaasadeed ee muddo tobnaan sano ah ka dhacda dalka afraad ee dhaqaalah weyn qaaradda Aasiya.

ilaa 190 mudane oo xarunta baarlamaanka xoog ku galay kaddib marki ay jiireen mallatariga ayaa dhammaan cod isku mid ah ku diiday, shacdiga martial law-ga ee uu soo rogay madaxweyne Yoon.

Xildhibaanadaasi ayaa waxaa ku jiray 18 ka mid ah xisbiga madaxweyne Yoon.

Waxaa sidoo kale guud ahaan Kuuriyada Koofureed gilgilay bannaanbaxyo waaweyn oo ay dadka ku diideen tallaabada uu qaaday madaxweynaha.

Madaxweyne Yoon Suk Yeol, ayaa khudbad laga baahiyay telafishanka qaranka ku sheegay, in uu soo saaray sharciga dagaalka loo adeegsado, si uu dalkiisa uga difaaco dalka dariska la ah ee Waqooyiga Kuuriya oo ah dal ku hubeysan niyukleer, shakhsiyaadka diidan qarannimada Kuuriyada iyo in uu ilaaliyo dastuurka dalkiisa.

Cadaadiskaasi kaddib, ayuu madaxweynaha Kuuriyada Koofureed ka laabtay go’aankiisa.