Booliska Soomaaliyeed oo shir oo deg deg ah ka yeeshay Amniga caasimadda
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi Ayaa gudoomiyay shir ay isugu yimaadeen Taliyayaasha, Hoggaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa, banaan, kaasoo ka dhacay Xarunta taliska guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Shirkan waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan Caasimadda, isagoo taliyaha saraakiishan faray in la dardargeliyo qorshayaasha sugidda amniga, laguna xoojiyo wada shaqeynta iyo isku-dubaridka hawlgallada Boliiska Soomaaliyeed ee dhanka Amniga.
Taliye Asad ayaa carrabka ku adkeeyay in Boliiska Soomaaliyeed ay ka go’an tahay ilaalinta amniga Dalka, gaar ahaan midka caasimadda ayna tahay mudnaantiisa koowaad.
Waxa uu sidoo kale taliyaha amray in lasii xoojiyo sugida amniga Caasinadda, dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, wadashaqeynta boliiska iyo bulshada si loo helo xog-isweydaarsi hufan oo ka qeyb qaata sugidda amniga.