U bood dhigaalka

Madaxweyne Muuse Biixi oo ku baaqay in aan Xukuumadda cusub Mucaaradnimo lagu bilaabin

Sheeko:War

Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa taageerayaasha xisbiga Kulmiye ugu baaqay inay u hoggaansamaan hab-dhaqanka dimuqraadiyadda, isla markaana aanay hore ka mucaaradin xukuumadda cusub ee xisbiga Waddani, oo ku guuleystay doorashadii Madaxtinimada ee 13-kii November ka dhacday Somaliland.

Madaxweyne Biixi, oo kulan sagootin ah la yeeshay golihiisa wasiirrada ee xilalka banaynaya, ayaa si kalsooni leh uga hadlay mustaqbalka mucaaradnimada xisbiga Kulmiye, isagoo xusay in doorkoodu noqon doono mid wax dhisa oo dalka u horseeda horumar iyo xasillooni siyaasadeed.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyey in xukuumaddiisu ku guuleysatay qabashada doorashooyin muhiim ah oo isku sidkan, kuwaas oo 90% dhaqaalaheeda ay Somaliland iska bixisay, taasoo muujinaysa bisaylka iyo madaxbannaanida nidaamka doorasho ee Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wadajirka iyo iskaashiga shacabka Somaliland si loo xoojiyo nabadda, dimuqraadiyadda, iyo horumarka mustaqbalka.