U bood dhigaalka

Ruushka oo sheegay inuusan hayn qorshe uu ku difaaco madaxweynaha Suuriya

Sida ay qortay shabakadda Bloomberg oo soo xiganaya ilo ku dhow aqalka Kremlin-ka, Ruushku ayaa sheegay inaanu hayn qorshe uu ku badbaadinayo madaxweynaha Suuriya BishaarAssad oo hadda wajahaya guluf xooggan oo kamida imaanaya jabhadaha hubaysan.

Ruushka ayaa sheegay inaanu hayn wax qorshe ah oo lagu difaaci karo maamulka Bishaar Al-asad, maadaama ciidamada  dowladdu ay iska hor-imaad la’aan uga baxayaan fariisahooda, ka dibna ay mucaaradku dhaqso ula wareegayaan.

Ruushka ayaa kamida dowlaha ugu muhiihsan ee taageera madaxweyne Bishaar Al-asad oo dalkaas ka talinayay tan iyo sanadkii 2000, Aabbihiis Xaafid Al-asadna uu 30 sano xukunka hayay.