Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa dalka Jabuuti ugu qeyb-galay munaasabad tababar loogu soo xirayay cutubyo Ka mid noqan doona daraawiishta ciidanka booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo muddo tababar ugu socday dalka Jabuuti.
Wafdigan Saraakiisha ah oo uu hoggaaminaayey taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha S/ guuto Cabdulaahi Xasan Bariise oo ay wehliyaan taliyaha hoggaanka Caafimaad Boliiska S/Guuto Cabdirisaaq Afguduud iyo G/dhexe Axmad Maxamed Axmad oo ah taliyaha hoggaanka tababarada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed
Saraakiishan waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyey taliska Booliska dalka Jabuuti iyo Saraakiil ka tirsan Karanbiyeeriga booliska Talyaaniga oo qeyb ka ah mashruuca tababarka daraawiishta booliska Soomaaliyeed.




From the comments