Madaxweynaha JFS oo sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay la wada-hadal la gasho cid walba oo tabasho ka qabta hannaanka doorashada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda dalka iyo doorashada qofka iyo codka ah ee ay dowladdu qorshaynayso ayaa sheegay in cid kasta oo tabasho ka qabta habka ay wax ku socdaan ay wada-hadal diyaar ula yihiin.
“Waxaan diyaar u nahay meel kasta inaan u tagno wada-hadal, inoo imaada haddii la yiraahdo, haddii kalena anagaa inoo imaada dhahayna, maanta maalintii Xamar iyo Garoowe keliya la tagi karay maaha, meelo badan oo dalka kamid ah ayaa lagu shiri karaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in laga wanaagsanyahay in wada-hadal u dhexeeya dad Soomaaliyeed dalal shisheeye lagu qabtay, asagoo tilmaamay inaanay qumanayn in talo Soomaaliyeed dibedda loo qaato, ayadoo gudaha lagu xallin karo.
“Talo siyaasadeed in dibedda loo qaado raali kama nihin, balse qofkii yiraahda Quracaas hoostiisaan fadhiyaaye iigu imaada anagaa ugu tageyna” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay wada-xaajoodyada si saamilayda siyaasadeed Soomaalida ee dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay ka go’antahay in doorasho qof iyo cod ah ay qabato, madaxweynuhuna arrintaas ayuu mar kale ku celiyay, asagoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay doorashadaas u diyaar garoobaan.