Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029.
Istaraatiijiyaddan oo halku-dheggeedu yahay “Dhismaha Nidaam Caddaaladdeed oo Loo Simanyahay, lehna Daahfurnaan, Helitaan, iyo Isla Xisaabtan,” ayaa looga golleeyahay dib-u-habeynta nidaamka caddaaladda si uu u noqdo mid ka jawaaba baahiyaha dadka Soomaaliyeed.
Qorshahan waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa ilaalinta xuquuqda bulshada nugul sida haweenka iyo carruurta, iyadoo la dhisayo nidaam caddaaladeed oo isku dhafan, waafaqsanna nidaamka federaalka, kuna saleysan dhaqanka, qiyamka, iyo diinta suuban ee Islaamka.




From the comments