Xaaladda dalka Suuriya oo faraha ka sii baxaysa iyo mucaaradka oo kaabiga ku haya caasimadda ah Dimishiq
Xoogagga mucaaradka Suuriya ayaa maalmihii la soo dhaafay guulo iyo hormar baaxad leh ka samaynayay dagaalka ay kula jiraan militariga dalkaas, ayagoo qabsaday inta badan magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan kuwa ku yaalla waqooyiga, bariga iyo bartamaha.
Jabhadan hubaysan oo dhammaantood isku bahaystay sidii ay xukunka ugu tuuri lahaayeen Madaxweyne Bishaar Al-assad oo asaga iyo Aabbihiis oo talada isaga dambeeyay ay dalkaas maamulayeen ku dhowaad 60 sano ayaa hadda wax ka yar boqol kmr u jira magaala madaxda Dimishiq.
Ciidanka dowladda ayaa si lama filaan ah uga baxaya goobaha istiraatiijiga ah, ayagoo halkaas uga tagaya saanad militari oo hub culus iyo diyaarado ay ku jiraan, ayadoo mucaaradku ay iska hor-imaad la’aan isugu ballaarinayaan magaallooyinka waaweyn.
Dalalka caalamka ayaa intooda badan danjireyaashooda iyo muwaadiniintooda ugu baaqay inay Suuriya degdeg uga baxaan, taas oo muujinaysa in xaaladda faraha ka sii baxayso, wararka qaarna waxay sheegayaan in qoyska madaxweynuhu ay u hayaameen Ruushka iyo Imaaraadka.
Dhanka kale Ruushka ayaa tilmaamay inaanu hayn qorshe uu ku difaaci karo maamulka Bishaar Al-assad, halka Iran iyo kooxaha ay taageerto ee ku sugan Ciraaq iyo Lubnaana aanay qaadan wax tillaabo ah oo lagu taageerayo ciidanka dowladda Suuriya si ay is ballaarinta mucaaradka uga hortagaan.
Hoggaamiyaha Mucaaradka Abuu Muxamed Golane oo wareysi siiyay shabakadda CNN ayaa sheegay in yoolkoodu uu yahay in xukunka ka dhaafiyaan Bishaar Al-assad, ka dibna ay colaadda dalkaas ragaadisay soo afjaraan, qaxootiga dunida ku kala firirsanna dib loo soo celiyo.
Si kastaba ha ahaatee xowliga xoogagga mucaaradku muddada gaaban dhulka ballaaran ku qabsanayaan ayaa dunida xasuusinaysa sidii ay Taalibaan xukunka dalka Afgaanistaan kula wareegeen sanadkii 2021, balse lama oga sida ay ku dambayn doonto xaaladda dalka Suuriya oo ku dhowaad 60 sano ay gacan bir ah ku maamulayeen qoyska ka soo jeeda calawiyiinta la tirada badanyahay ee reer Al-assad.