Dalka Turkiga oo tababar loogu soo xiray urur oo kamid ah ciidanka xoogga dalka
Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa dhiggeeda dalka Turkiga ayaa iyada oo ka duuleysa qorshaha madaxda dowladda ee ku aaddan tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay ugu filnaadaan mas’uuliyadda la wareegida amniga dalka, waxay tababar heerkiisu sareeyo magaalada Isparta ee dalka Türkiye ugu soo xirtay Afar Urur oo ka tirsan Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga, garab istaaga hagar la’aaneed ee ay u muujisay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.
Ciidamada tababrka loo soo xiray ayaa qeyb ka noqon doona howl-galada xooggan ee ciidamada dowladdu ay wadaan ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo difaaca Qarannimada ummadda Soomaaliyeed, iyada oo laga hortagayo cadowga gudaha iyo kan dibadda.