Warbaahinta Ruushka oo sheegtay in Bishaar Al-assad uu ku suganyahay Moosko
Warbaahinta dalka Ruushka, gaar ahaan Kanaalka Koowaad oo soo xiganaya xubno ka tirsan aqalka Kremlin-ka ee dalkaas looga arrimiyo ayaa sheegay in Madaxweynihi Suuriya Bashar al-Assad iyo xubnaha qoyskiisa ayaa ku suganyihiin magaalada Mooskow.
Ruushka ayaa la sheegay inuu mangelyo siyaasadeed siiyay Bishaar Al-assad oo saacado ka hor ka baxsaday caasimadda dalka Suuriya, ka dib markii kooxaha mucaaradku ay qabsadeen, islamarkaana ku dhawaaqeen in la soo afjaray xukunkiisii 24 sano jirsaday.
Bishaar Al-assad ayaa saacadihii la soo dhaafay cinwaanada ugu horreeya ee warbaahinta dunida haystay, ayadoo la falanqeynayay meesha uu u baxsaday ka dib markii xoogagga hubaysan ee mucaaradku ay ka fara maroojiyeen xukunkii uu tan iyo sanadkii 2000-dii ku mardaadinayay, horayna ugu dhaxlay Aabbihiis oo taniyo 1970 dalkaas gacan bir ah ku maamulayay.