Jabhadaha hubaysan ee saacado ka hor ku dhawaaqay inay la wareegeen xukunkii dalka Suuriya, islamarkaana ay soo afjareen maamulkii 54 sano jirsaday ee Bishaar Al-assad iyo Aabihiis Xaafid Al-assad ayaa dadweynaha dalkaas ugu baaqay inay ilaashadaan xarumaha danta guud, sidoo kalena aanay dhibaato u geysan dhismeyaasha ay ku shaqeeyaan ururrada caalamiga ah oo kuwa qaramada midoobey ugu horreeyaan.
Abuu Muxamed Al-golani oo ah taliyaha Guud ee Waaxda Hawlgallada jabhadda Tahrir Alsham oo farriin u diraya dagaalyahannada mucaaradka ah iyo dadweynaha ayaa yiri “Ilaaliya hay’adaha dawladda, maadaama ay ka tirsan yihiin dhaxalka shacabka”.
Sidoo kale wararka ayaa sheegay inay ra’iisul wasaarihii maamulka Bishaar Al-assad, xukuumaddiisii, iyo booliskii magaalooyinkaba lagu amray inay shaqadooda sii wataan inta cid badesha laga soo magacaabayo.




From the comments