Madasha Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka oo Si Rasmi ah Muqdisho looga furay
Muqdisho ayaa martigelisay furitaanka Madasha Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka, oo ah kulan muhiim ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta nabadgelyada rayidka Soomaaliyeed.
Madasha waxaa soo qabanqaabiyay Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ee Xasilinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka, iyadoo looga gol-leeyahay in lagu soo bandhigo istiraatiijiyado cadcad oo ku saabsan badbaadada rayidka, gaar ahaan xilliyada colaadaha iyo xaaladaha degdegga ah.
Masβuuliyiin ka tirsan dowladda iyo hayβado caalami ah ayaa ka qeyb galay madasha, iyagoo si qoto dheer uga dooday muhiimadda ilaalinta badqabka rayidka, ka hortagga dhibaatooyinka, iyo u gurmashada dadka nugul.
Furitaanka madasha, waxaa lagu soo bandhigay qorsheyaal waqtiyeysan oo wax ku ool ah, kuwaas oo lagu xaqiijinayo badbaadada dadka iyo hantidooda, isla markaana looga hortagayo musiibooyinka kala duwan.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Abdihakim Ashkir, ayaa xusay in ay tahay tiir muhiim ah oo lagu xoojinayo badqabka muwaadiniinta.
Wuxuu yiri βBadqabka Rayidka waa hannaan muhiim u ah dowladnimada, waxayna noo leedahay hortabin gaar ah. Waa in la xaqiijiyaa badbaadada dadka iyo hantidooda, iyagoo laga ilaaliyo musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa kale. Madashan waxay ku soo aadaysaa xilli muhiim ah oo diiradda lagu saari doono dadaallada badqabka rayidka, gaar ahaan xilliga howlgalka ATMIS kadib.β