Inkastoo ay muwaadiniin yihiin, haddana ciidamadu way ka duwanyihiin dadweynaha iyo xittaa shaqaalaha kale ee dowladda, waxaana saaran masuuliyad ballaaran iyo xil gudashadiisu ay hab-dhaqan gaar ah u baahantahay.
ku kicidda fal kasta oo sharciga iyo waajibaadka ciidanka ka baxsan ayaa keeni karta halis baaxad leh, si darteed waxaa jira qodobo ka reeban ciidamada qalabka sida oo aan la oggolayn inay fara-gashadaan haddii aan laga maarmi waayin.
Qodobadaas waxaa kamid ah isticmaalka maan-dooriyaha, bixinta ama dusinta xogaha qarsoodiga ah ee la xariira qorsheyaasha ciidanka ama sirta guud ee qaranka, ku lugleelashada dhaqdhaaqyo siyaasadeed oo aanay fasax u haysan, ka tagidda howl loo igmaday fasax la’aan, ku tashkiilinta iyo abaabulka waxyaabo mabaadii’dooda iyo sharciga guud ka hor imaanaya, iyo jabinta ama ka dhaga-adayga amarrada la siinayo.




From the comments