U bood dhigaalka

Israa’iil oo 480 weerar oo cirka ku qaaday Suuriya 48 saacadood gudohood

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 480 weerar oo cirka ah ay ku qaadeen dalka Suuriya 48-kii saac ee la soo dhaafay, islamarkaana burburiyeen 15 markab, gantaallada lidka diyaaradaha iyo goobaha hubka lagu keydiyo oo dhowr magaalo ku yaalla.

Iran, dowladaha carabta, Turkiga iyo qaramada midoobe ayaa si adag uga hadlay falkan xadgudubka ku ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya, ayagoo ku baaqay in maamulka Natenyahu ay arrintaas joojiyaan, balse Israa’iil ayaa sheegtay inay qaaday tillaabo nabad-gelyadeeda lama huraan u ahayd.

Israa’iil ayaa intaa ku dartay inay ka hortagayso in hubkii uu ka tagey maamulkii Bishaar Al-assad uu gacanta u galo kooxaha talada dalka la wareegay, balse maamulka susub ee Suuriya weli kama hadlin arrintan, Ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah ee Suuriya Maxamed Al-Bashiirna waxa uu sheegay inay ku mashquulsanyihiin sidii ay dalka u xasillin lahaayeen, asagoo xusay in dadka Suuriya ay u baahan yihiin xasilooni iyo nabad-gelyo.