U bood dhigaalka

Dowladda Norway oo war kasoo saartay heshiiskii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Sheeko:War

Dowladda Norway ayaa soo dhaweysay heshiiskii lagu gaaray Ankara ee u dhexeeyay dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo u mahadcelisay Turkiga dadaalkiisa dhexdhexaadinta.

“Waxaan rajeyneynaa in heshiiskan uu gacan ka geysan doono nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada Geeska Afrika,” ayay lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay: “Norway waxay taageertaa wada-hadallada socda, waxayna u mahadcelinaysaa Turkiga doorkiisa dhexdhexaadinta.”

Ka dib kulan ay Arbacadii ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya magaalada Ankara oo uu martigeliyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, labada hoggaamiye ayaa bayaan wadajir ah kasoo saaray heshiiska loogu magacdaray “Heshiiska Ankara,” iyagoo xaqiijiyay in ay ixtiraamayaan madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee labada dhinac.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isku hayay arrimo badan tan iyo markii Itoobiya ay bishii Janaayo ee sanadkan Itoobiya ay kusoo xadgudubtay Madaxbanaanida Soomaaliya ka dib markii ay heshiis la gashay Somaliland.