Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka hadlay guusha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan deyn cafinta, isagoo xusay in sanad ka hor ay Soomaaliya ka gudubtay caqabadihii dhaqaale ee waaweynaa.
“Maanta oo kale sanad ka hor, waxa ay ii ahayd sharaf in aan goob joog u ahaado iyadoo uu na wehliyo Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud guul taariikhi ah oo ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed gaareen taas oo aheyd in nalaga cafiyay deyn gaaraysay 5-Bilyan oo Doolar.”
Waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in muddada sanad ka soo wareegtay aysan dowladda Soomaaliya wax deyn cusub ah qaadan, iyadoo la sii wado dib-u-habaynta maaliyadda, kor u qaadidda dakhliga, iyo maalgalinta adeegyada bulshada. Wasiirka ayaa yiri:




From the comments