Fadhigii 001aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenku, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 15/12/2024 Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada oo isugu jira (Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku xigeenno).
Isbarasho ka dib, Madaxweynuhu waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka Qaran ee loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay Barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha Buuggga Xisbiga oo ka kooban lix Cutub (6), taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda. Madaxweynuhu waxa uu golihiisa Xasuusiyey in uu Somaliland inooga fadhiyo in aynu ugu shaqayno daacadnimo iyo hufnaan.




From the comments