Jubbaland oo bilowday in ay soo daad gureyso ciidankii lagu qabtay dagaalkii Raaskambooni
Maamulka Jubbaland ayaa maanta diyaarad ku soo qaaday qeybtii labaad ee ciidamo horey ugu sugnaa Kismaayo, kuwaas oo lagu soo qabtay dagaalladii ka dhacay Raaskambooni.
Ciidankan ayaa lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya markii Muqdisho la keenay. waxaa ku jira Ciidamo qaba dhaawacyo kala duwan iyo kuwa caafimaadqaba.
Wararka laga helayo Jubbaland ayaa sidoo kale sheegaya in dhowaan la soo qaadi doono ciidamo kale oo weli ku haray magaalada Kismaayo, kuwaas oo horey uga qeyb qaatay dagaallada Raaskambooni.
Jubbaland ayaa sheegtay in aysan waxyeelo u geysan doonin Ciidanka dowladda ee lagu qabtay Raaskambooni.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa wali war kasoo saarin sax ahaanshaha Ciidanka Jubbaland ay sheegtay in ay yihiin ciidankii dowladda.