Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Janaraal Madey Nurey Shiekh Uforow, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Taliye Xigeenka Ciidanka Tanzania, Sareeye Guud Salim Hajji Othman.
Taliye Xigeenka Ciidanka Tanzania ayaa booqashadiisa ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga militari ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada tababarada, farsamada, iyo wada shaqeynta ciidamada.
Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, wuxuu la kulmi doonaa hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo madaxda Qaranka Soomaaliyeed.




From the comments