U bood dhigaalka

Bashaar Al-assad oo faahfaahin ka bixiyay sidii uu uga baxsaday magaalada Dimishiq

Madaxweynihii hore ee dalka Suuriya Bashaar Al-assad oo dhowaan isbahaysiga mucaaradku ay xukunka ka fara maroojiyeen, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay sidii uu magaala madaxda Dimishiq uga baxsaday intii aanay xoogagga mucaaradku la wareegin.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inaanu si rasmi ah dalka uga cararin, balse uu u wareegay deegaanka Latakiya, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidanka Ruushku, hayeeshee asagoo saldhiggaas jooga ay dhammaan difaacayadoodii bannaaneeyeen ciidamadiisu, islamarkaana mucaaradku ay goob walba si buuxda ula wareegeen.

Qoraalka uu soo saaray ayuu ku yiri “Dalka sidii la ii qorsheeyay kama tegin, waxaanan joogay Dimishiq ilaa subaxnimadii Axadda, 8-dii December

, intaas ka dibna waxaan u guuray Latakiya aniga oo kaashanaya saaxiibada Ruushka si aan u sii wado dagaalka”

Wuxuu intaas ku daray “markii aan imid saldhigga Hmeimim, waxaa caddaatay in dhammaan goobihii ciidanku ay dumeen
, Saldhigga Hmeimim ee aan joogayna waxaa soo weeraray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxayna saraakiishu ku qasbanaadeen inay u baxaan dhanka Ruushka”.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu weligiisba garab taagnaa kooxaha wax iska caabinta falastiin iyo Lubnaan, balse wuxuu sheegay in hadda madaxtinnimada Suuriya ay gacanta u gashay koox argagixiso ah, hoggaaminta dalkaasina ay macno beeshay.

Bashaar Al-assad oo Suuriya hoggaanka u hayay taniyo sanadkii 2000, horayna Aabbibiis Xaafid Al-assad uu muddo 30 sano ah dalkaas maamulayay ayaa hadda ku sugan Ruushka, halkaas oo asaga iyo qoyskiisa laga siiyay magengalyo siyaasadeed.