Golaha Midowga Yurub ayaa go’aansaday in la dheereeyo hawlgallada ciidamada badda ee ATALANTA iyo hawlgalka tababarka milatari ee EU (EUTM Somalia) illaa 28-ka Febraayo 2027.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii la sameeyay dib-u-eegis istaraatiiji ah oo ku saabsan siyaasadda amniga iyo difaaca guud ee Midowga Yurub ee ku wajahan Soomaaliya iyo Geeska Afrika, iyada oo la tixgelinayo xaaladda amni ee gobolka iyo soo laabashada weerarrada burcad-badeedda.
ATALANTA waxaa la aasaasay dhammaadkii 2008 si wax looga qabto weerarradii burcad-badeedda ee kusoo kordhay biyaha ku dhow Geeska Afrika.




From the comments