Taliyihii ugu sarreeyay ciidanka ilaalada Nuclear-ka Ruushka oo ku dhintay qarax ka dhacay dalkaas
Talihii ciidanka ilaalada Shucaaca Nuclear-ka iyo hubka kiimikada ah Lieutenant Jeneraal, Igor Kirillov ayaa ku geeriyooday qarax mooto loo adeegsaday oo ka dhacay dhismo ku yaalla gobolka Ryazansky Prospekt, sida uu xaqiijiyay guddiga baaritaanka Ruushku.
“General Igor Kirillov iyo kaaliyihiisa waa la dilay, “ayaa lagu yiri war ka soo baxay guddiga baaritaanka Ruushka, waxaana walxaha qarxa ee dilkooda loo adeegsaday lagu sheegay in awooddoodu ay gaaraysay ilaa 300 garaam oo TNT, sida laga soo xigtay sargaal sare oo oo masuuliyiinta Ruushka ka mid ah.
Sawirro la soo galiyay kanaalada Telegram-ka ee wakaallada wararka ee Tass oo Ruushka laga leeyahay ayaa muujinaya albaabka laga galo dhismo burbursan oo ay ka buuxaan burbur iyo laba mayd oo goobta yaalla, lamana oga cidda ka dambaysa falkan.