U bood dhigaalka

Diyaaraddii ugu horraysay oo ka duushay garoonka Dimishiq tan iyo markii uu is bedalku ka dhacay dalkaas

Masuuliyiinta dowladda cusub ee Suuriya ayaa sheegay in diyaaraddii ugu horraysay oo maxalli ahi ay ka duubashay garoonka magaalada dimishiq tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-assad.

Diyaaradan oo sidda dad shacab u badan ayaa ka duushay Dimishiq iyadoo ku sii jeedday garoonka magaalada Xalab ama Aleppo, waxaana la xaqiijiyay inay tahay duulimaadkii ugu horreeyay muddo 10 beri ah oo maamulka cusubi ay talada dalka hayeen.

Isku socodka gudaha dalka ayaa muddooyinkan dambe hakad ku jirey ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas, islamarkaana jabhadaha Suuriya qabsaday ay ku dhawaaqeen howlgal dib u hagaajin maamul iyo xasillin nabad-gelyo isugu jira.