Guutada Saraayaa Al-Qudus oo kamida xoogagga wax iska caabinta falastiiniyiinta marinka Qasa ayaa sheegtay inay dagaalamayaashoodu qabsadeen diyaarad ay leedahay Israa’iil oo howlo basaasnimo ku jirtay.
Saraaya Al-quddus waxay sheegtay inay diyaaraddaas ku qabteen magaalada Rafax ee koonfurta Qasa, balse wax faahfaahin ah oo intaas dhaafsiisan kama bixin sidii ay arrintaasi ugu suurta-gashay iyo haddii ay jiraan dad diyaaraddaas saarnaa.
Tillaabadan ayaa imaanaysa xilli dagaalka marinka Qasa uu socdo sanadkii labaad, islamarkaana Israa’iil ay si maalinle ah u gumaadayso dadka rayidka ah ee ku nool marinka go’doonsan ee dhawr mar lagu tilmamay Jahanamada adduunka markii la lala fajacay xasuuqa sida joogtada ah uga socda iyo xayiraadda saaran.




From the comments