Madaxweyne XasanSheekh”Hooyada Soomaaliyeed waa in ay share ku yeelataa Muqdishada cusub”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Madashada Hindisaha Horumarinta Muqdishada cusub iyo dhismaha Airporka cusub ee Magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegayDaahfurka Hindisaha Hirgalinta mashruuca weyn ee Muqdishada Cusub, Garoonka iyo Dekadda Casriga ah ee Caasimadda in uu sare u qaadi doono dhaqaallaha wadanka. sidoo kale waxaa uu yareyn doonnaa Ciriiriga ka jira magaalada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb noqdaan dhismaha Mashruucaan.
Madaxweynaha ayaa yiri “Hooyada Soomaaliyeed waa in share ku yeelataa Muqdishada cusub,waxaana qeyb uga noqon kartaan 35 Dollar”
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in Hindisaha lagu horumarinaayo Muqdishada cusub isla markaana lagu dhisaayo Garoonka cusub ee Diyaaradaha iyo aaga dhaqaalaha dalka uu muhiimad weyn u leeyahay dalka oo idil.
Mudane Amiir ayaa xusay in Hindisahaan uu yahay Rajada iyo Hiigsiga Ummada Soomaaliyeed, taasi oo abuureysa Maalgeshi Caalami ah, Xiriir ay Soomaaliya la yeelato caalamka iyo kor u qaadida dhaqaalaha dalka.