U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS oo qaar kamida ganacsatada Soomaaliyeed kala hadlay mashruuca Muqdishada cusub ee dowladdu waddo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay qaar kamida ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey sida ay u doonayaan hirgelinta qorshaha Muqdishada cusub oo beddeli doonta muuqaalka caasimadda.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in mashruucani uu yahay mid  dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ay qayb muhiim ah ku yeelanayaan, taas oo xaqiijinaysa in qorshahani uu noqdo mid Soomaali leedahay, oo ay mustaqbalka ku faani karaan jiilasha soo socdaahi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ganacsatada uga mahadceliyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dalka, gaar ahaan doorka ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo xoojinta nabadda. Waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay si hagar la’aan ah u bixiyaan canshuurta, ugana qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhankooda ballanqaaday in ay kaalin weyn ku yeeshaan mashaariicda qaranka, iyagoo ka duulaya qorsheyaasha lagu xoojinayo dib u dhiska iyo horumarka dhaqaale ee dalka.