Goobjoog

Qaramada midoobe oo guddi qeymayn ah u diraysa dalka Suuriya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in koox ka socota Hay’adda Xuquuqul Insaanku ay toddobaadka soo socda tagi doonaan dalka Suuriya, waana markii ugu horreysay muddo sannado ah, kaddib afgambigii xukunka looga tuuray Bashaar Al-Asad.

Qaramada midoobe oo guddi qeymayn ah u diraysa dalka Suuriya
Fujian, China – November 28, 2016: United Nations flag blowing in the wind. The United Nations (UN) is an international organization whose stated aims are facilitating cooperation in international law, international security, economic development, social progress, human rights, and achievement of world peace.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in koox ka socota Hay’adda Xuquuqul Insaanku ay toddobaadka soo socda tagi doonaan dalka Suuriya, waana markii ugu horreysay muddo sannado ah, kaddib afgambigii xukunka looga tuuray Bashaar Al-Asad.

afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kooxdani ay taageeri doonaan howlaha bani’aadamnimada, arrimaha xuquuqda iyo ka qayb qaadashada hubinta wareejinta awoodda oo dhamaystiran oo waafaqsan qaabka sharciga caalamiga ah.

Suuriya oo muddo 60 sano ku dhow ku jirtay xukun keligii talis ah ayaa haatan gashah isbadel maamul, ka dib markii horraantii bishan xukunka laga tuuray Bashaar Al-assad oo 24 sanadood kursiga ku fadhiyay, Aabbihiisna 30 sano maamulayay dalkan ku yaalla gobolka aan xasilloonayn ee bariga dhexe.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments