Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisu uu taageerayo dadaalka Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin badeed, iyada oo lagu xallinayo wada hadal iyo in la ixtiraamo sharciyada caalamiga ah iyo deriska.
Macron ayaa hadalkan ka sheegay sabtidii kaddib booqasho hal maalin ah oo uu ku tagay Addis Ababa, halkaas oo uu wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Intii lagu guda jiray shir jaraa’id, Macron wuxuu soo dhoweeyay Bayaanka Ankara oo ay gaareen Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 11-kii Diseembar.




From the comments