U bood dhigaalka

Israa’iil oo qiratay in ciidankeeda ay waxyeello ka soo gaartay qarax ka dhacay ka dhacay marinka Qasa

Idaacadda ciidamada Israa’iil ayaa sheegtay in 3 askari oo Israa’iiliyiin ah ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaas oo mid ka mid ah ay xaaladdiisu halis tahay, ka dib markii taangi marayey marinka Qasa qaraxyo bumbo lala eegtay.

Qaraxan ayaa dhacay xilli ay ciidamo ka tirsan kooxda lagu magacaabo guutada Harel howlgal ka fulinayayeen xaafado kamid ah marinka go’doonsan ee Qasa, sida ay sheegtay warbaahinta ciidamada maamulka Israa’iil.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu weli socda dagaalka marinka Qasa, kaas oo Israa’iil ay billowday maalmo ka dib weerarkii 7-dii Oktoobar, islamarkaana galaaftay nolosha ku dhowaad 6 kun oo qof, iyo burbur lagu tilmaamay jaxiimada adduunka.