Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu isbadel weyn ku samayn doono siyaasadda arrimaha dibedda ee dalkiisa, islamarkaana uu soo afjari doono dagaallada ka socda meelo badan oo caalamka kamid ah.
“waxaana joojin doonaa inaan galno dagaalladii shisheeye ee Maraykanku si qosol leh u gali jirey” ayuu yiri Donald Trump oo ka hadlayay qorshihiisa ku aaddan xasillooni darrada ka jirta dunida oo inteeda badan Mareykanka iyo dalalka kale ee waaweyni saameyn ku leeyihiin.
Wuxuu intaa ku daray inuu joojin doono qalalaasaha gobolka Bariga Dhexe iyo dagaalka Ukraine, sidoo kalena uu ka hortagi doono inuu dillaaco dagaalkii saddexaad ee Adduunka.




From the comments