Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo war kasoo saartay Diyaarad lagu afduubtay Kismaayo
Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay dhacdo halis ku ah amniga nidaamka duulimaadyada iyo badbaadada rakaabka sida ay sheegtay hay’adda duulista Soomaaliyeed.
Shirkadda Halla Airlines ayaa la sheegay in diyaarad ay leedahay lagu afduubtay si xoog leh, iyadoo qalabkeedii isgaarsiinta laga xayuubiyay. Tani waxay keentay xaalad khatar ah oo amniga rakaabka saameysay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen maamulka shirkadda duulista rayidka ee Soomaaliya.
Falkaas argagaxa leh ayaa sababay in diyaaradihii maanta ku wajahnaa magaalada Kismaayo ay hakiyaan duulimaadyadoodii. Tani waxay saameyn taban ku yeelatay shacabka halkaas u safra, iyadoo dhabar jab weyn ku noqotay howlaha duulimaadyada rayidka ee Kismaayo.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxay falkaas u aragtay mid mas’uuliyad darro ah oo dhaawacaya nidaamka duulimaadyada rayidka ee Soomaaliya. Waxay si degdeg ah u bilowday baaritaanno lagu xaqiijinayo sababaha iyo cidda ka dambeysay dhacdadaas, iyadoo sidoo kale wada shaqeyn la sameyneysa hay’adaha caalamiga ah ee arrimaha duulista.
HDRS waxay balanqaaday inay qaadi doonto tallaabooyin adag si looga hortago in dhacdo noocan ah ay dib u soo noqoto, lana xaqiijiyo amniga iyo badbaadada rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradaha.