U bood dhigaalka

Koox hubaysan oo ugu yaraan 10 askari ka dishay ciidanka Suuriya

In ka badan 10 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda cusub ee Suuriya ayaa lagu diley dagaal ay la galeen koox hubaysan oo horay uga tirsanayd xoogaggii maamulkii madaxweyne Bishaar Al-assad.

Wasiirka arrimaha gudaha Suuriya ayaa xaqiijiyay in 14 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka lagu diley,10 kalena lagu dhaawacay ka dib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen koox uu ku tilmaamay haraadiga taliskii Bashaar Al-assad oo ku sugnaa baadiyaha deeganka Tartuus.

Maamulka cusub ee dalka Suuriya ayaa ku howlan dadaallo ay dalkaas ku xasillinayaan ka dib 13 sano oo dagaallo wajiyo badan ah, balse waxay culays kala kulmayaan hubkii uu meel walba ku faafsan  iyo haraagii xoogaggii Bashaar Al-assad oo deegaannada qaar ku sugan.