U bood dhigaalka

Maamulka deegaankii Ciidanka lagu laayay oo shaqo joojin lagu sameeyay

Sheeko:War

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle, Mudane Abdi Dahir Guure Karoore, ayaa maanta ku dhawaaqay shaqo joojin rasmi ah oo lagu sameeyay Guddoomiyihii Degmada Ceelbaraf, Yuusuf Xasan Xuurshoow.

Go’aankan ayaa yimid kadib qiimeyn dheer oo lagu sameeyay dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday degmadaas ee lagu dilay Askar ka tirsaneyd ciidanka dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku dhawaaqay in Yuusuf Xasan Xuurshoow uu si ku meel gaar ah uga joojiyay xilka Guddoomiyaha Degmada Ceelbaraf.

Wasiirka ayaa sheegay in talaabooyinkan ay muhiim u yihiin sugidda amniga, ilaalinta sharafka ciidanka, iyo soo celinta kalsoonida dadweynaha ee maamulka deegaanka.

Dowladda Hirshabelle waxay mar kale xaqiijisay inaysan marnaba aqbali doonin waxyeelada amniga iyo nolosha dadka ku nool deegaannadeeda.