U bood dhigaalka

Maxaad kala socotaa Howlgalka xalay Qaramada Midoobay Ansixiyeen iyo sababta Mareykanku uga aamusay?

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay si rasmi ah u ansixiyay howlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo beddelaya howlgalka sii dhammaanaya sannadkan ee ATMIS.

Howlgalka cusub oo lagu magacaabo AUSSOM oo heysta sharciyad 12 bilood ah , waxaa waajibkooda lagu sheegay xasillinta iyo gargaarka bani’aadannimo.

Dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda ugu guuleystay in howlgalkaan ay ka reebto Ciidanka Itoobiya in ay ka qeyb ka noqdaan.

Sidoo kale Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa muujiyay in howlgalka laga reebay Ciidanka Burundi in ay ka qeyb ka noqdaan.

Qaraarka, oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Britain, waxaa oggolaaday 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka Mareykanku ka aamusay sababo la xiriira walaacyo ku saabsan maalgelinta.

Ciidamada cusub ee AUSSOM ayaa yeelan doona ilaa 12,626 askari oo kala ah ciidamada milatariga iyo 1,040 booliis ah.

Xubnaha Midowga Afrika ayaa loo fasaxay inay ciidamadaan sii joogteeyaan illaa 30-ka Juun 2025, iyadoo muddadaas lagu dhammeystirayo beddelidda dhammaan ciidamada ATMIS oo loo wareejinayo AUSSOM.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Masar ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu qayb ka noqon doono ciidamadan cusub.

Qaraarka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale oggolaanaya suurtogalnimada in 75% kharashka hawlgalkan cusub ay maalgeliso Qaramada Midoobay, iyadoo la adeegsanayo nidaam la sameeyay sanadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, ku xigeenka wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Dorothy Shea, ayaa sheegtay in aysan wali muuqan shuruudo lagu dhaqaaqi karo oo lagu dhaqangalinayo nidaamkaas, taasoo sababtay in Mareykanku uu ka aamuso codbixinta.