Khasaaraha dhimashada ee ka dhashay shilkii diyaaraddii Kuuriyada koonfureed oo kordhay
Khasaaraha dhimashada ee uu sababay shilkii diyaaradda kuuriyada koonfureed ee Jeju Air ayaa gaaray 127 qof oo dhimasho ah, sida laga soo xigtay wakaaladda dab-damiska ee dalkaas.
Diyaaraddan oo dubaxnimadii Axadda ka kacday gegida caalamiga ah ee Muan ayaa wax yar ka dib ku soo dhacday xaydaanka garoonka, cillad dhinaca duulista ah oo soo wajahday awgeed, taas oo sababtay waxyeello baaxad leh oo soo gaartay rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa oo ka koobnaa 181 qof.
Wakaaladda wararka ee Yonhap ayaa shilkan khasaaraha geystay u sababaysay qalabkeedii duulimaad oo xumaaday, taas oo keentay inay diyaaraddu ku dul dhacdo shubka adag ee ku meersan xayndaabka garoonka Muan ee gobolka south Jeolla oo qiyaastii 180 u jira magaalada caasimadda ah ee seoul.