Midowga Yurub oo baadi goobaya Doon Shiinees Ah oo Lagu afduubtay Xeebaha Soomaaliya
Howlgalka Atalanta ee Midowga Yurub ayaa si joogto ah u kormeeraya doon kalluumeysi oo Shiinees ah oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya.
Dhacdadan ayaa loo aqoonsaday burcadbadeednimo Hawlgalkan ayaa bilaabmay ka dib markii ciidanka booliska badda ee Puntland ay soo saareen digniin ku saabsan dhacdada.
Atalanta, oo ah hawlgalka ugu muddada dheer ee Midowga Yurub ee ka socda biyaha Soomaaliya tan iyo 2009, ayaa adeegsanaya markabka ESPS Santa Maria oo wata diyaarad aan duuliye lahayn nooca Scan Eagle iyo diyaaradda qumaatiga u kacda ee Augusta-Bell AB-212 si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa doonta.
Howlgalka ayaa rajeynaya in ay awood kusoo furtaan doonta.
Kooxaha hubeysan ee doonta heysta ayaa ka biyo diiday in ay sii daayaan shaqaallaha iyo doonta haddii aan la siin madax furasho.
Hawlgalku wuxuu sidoo kale xiriir joogto ah la leeyahay mas’uuliyiinta Shiinaha, Soomaaliya, iyo wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Bishii Nofeembar, Atalanta waxay ku dhawaaqday in heerka khatarta ee maraakiibta ku safreysa Badda Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed uu yahay “halis,” iyadoo digniino loo jeediyay maraakiibta si ay u muujiyaan feejignaan sare maadaama ay suurtagal tahay in weeraro burcad-badeed ah ay dhacaan.
Hawlgalka Atalanta wuxuu sii wadi doonaa ilaalinta maraakiibta iyo wada shaqeynta uu la leeyahay hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo xaqiijiyo badbaadada biyaha.