U bood dhigaalka

Ruushka oo sheegay inuu si adag uga hortagayo in Jarmalku uu xubin buuxda ka noqda golaha ammaanka Qaramada Midoobay

Wakiilka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xukuumadda Moscow ay si cad u diiday damaca Jarmalku ku doonayo in uu xubin rasmi ah ka noqda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wakiilka ayaa sheegay in haddii golaha Qaramada Midoobay dib u habayn lagu sameeyo aanay dalalka qaar gabi ahaanba noqon doonin xubnaha joogtada ah, gaar ahaan dalalka Jarmalka iyo Japan.

Jarmalka ayaa dedaal ugu jira inuu kamid noqdo dalka Xubnaha joogtada ah ku leh golaha ammaanka, kuwaas oo hadda ka kooban 5 dal, islamarkaana leh codka diidmada qayaxan.