Justin Trudeau oo Iska Casilay Xilka Ra’iisul Wasaaraha Canada
Ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka ra’iisul wasaaraha iyo hoggaamiyaha xisbiga Liberal-ka kaddib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Ottawa.
Trudeau ayaa sheegay inuu sii hayn doono xilka si ku-meelgaar ah illaa xisbiga Liberal ay doortaan hoggaamiye cusub oo beddela.
Justin Trudeau, oo ah curadka ra’iisul wasaarihii hore ee Canada, Pierre Elliot Trudeau, ayaa maanta si rasmi ah u diiwaangeliyay inuu raacay raadka aabbihii, kaasoo isna xilka ra’iisul wasaaraha iska casilay sannadkii 1984.
Trudeau wuxuu galay siyaasadda sannadkii 2008-dii, markaasoo loo doortay xubin baarlamaanka ah. Sannadkii 2013-kii ayuu noqday hoggaamiyaha xisbiga Liberal-ka, wuxuuna 2015-kii ku guuleystay xilka ra’iisul wasaaraha kadib olole xooggan oo uu ku diidanaa siyaasadaha xisbiga Conservative-ka.
Trudeau ayaa noqday mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu da’da yar ee soo mara Canada, isagoo ku guuleystay doorashooyinka is xigay ee 2019 iyo 2021.
Sababaha Is-Casilaadiisa ayaa lagu sheegay Fadeexad ku saabsan Cunsuriyadda, maareyntii Covid-19 iyo Khalalaase Siyaasadeed.