Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday tallaabooyin cusub oo xiriir diblomaasiyadeed ah oo ay la sameyneyso dowladda cusub ee Suuriya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xaqiijiyay in uu fariin rasmi ah u diray dhiggiisa Suuriya, Asaad Hassan al-Shaibani, isagoo ku caddeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay maamulka cusub ee Suuriya.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in uu qorsheynayo in uu dhawaan la kulmo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya si ay uga wada hadlaan horumarinta xiriirka labada dal.




From the comments