Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire, ayaa kulan muhiim ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan, isagoo ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay isbaarooyinka iyo amni-darrada, kuwaas oo saameyn ku yeeshay ganacsiga iyo nolosha dadka deegaanka.
Wasiirka ayaa xusay in uu la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn gobolka Hiiraan, kuwaas oo cabasho ka muujiyay hoos u dhac weyn oo ku yimid badeecooyinkii iyo xoolihii ay iibgeyn jireen, taas oo sababteedu tahay lacagaha baadda ah ee looga qaado isbaarooyinka.
Waxa uu tilmaamay in xaaladdan ay caqabad weyn ku tahay horumarka iyo barwaaqada gobolka.




From the comments