Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay dhulgariir ka dhacay dalka shiinaha
Sheeko:Wararka Caalamka
Tirada dhimashada ka dhalatay dhulgariir ka dhacay magaalada Tibet re galbeedka dalka shiinaha, waxayna mas’uuliyiinta maxalliga ahi ku foogan samata-bixinta iyo gurmadka dadkii waxyeelladu gaartay.
Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 6.9 amplitude ayaa geystay waxyeello xooggan oo isugu jira burbur iyo khasaare dhimasho oo baaxad leh.
xudunta dhulgariirkan oo ahayd mid aad u qoto-dheer ayaa ku taal Tingri, oo ah miyiga gobolka Everest, waxayna hoos u qodantahay 10 km oo u dhiganta(6.2 mayl), sida laga soo xigtay xarunta la socadka dhulgariirka Shiinaha.