Dowladda Soomaaliya oo dadaal xooggan gelinaysa hormarinta beeraha iyo waxsoo-saarkooda
Sheeko:Dhaqaalaha Dalka
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqay mashruuc lagu hormarinayo hannaanka waxsoo-saarka beeraha dalka, ayadoo tiro gaadiidka cagaf cagafta loo yaqaanno u qeybisay dowlad goboleedyada dalka.
Mashruucan ayaa la sheegay in looga golleeyahay in sare loogu qaado wax soo saarka dalka, si loo gaaro isku filnaasho dhanka cuntada ah, ayadoo laga faa’iidaysanayo ciidda dahan ee dhulka Soomaaliya.
Beeraha ayaa kamid ah ilaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha dalku ku tirsan yahay, balse wixii ka dambeeyay burburkii War soo saarkoodu si weyn ayuu hoos ugu dhacay, taas oo keentay in ku tiirsanaanta raashinka dibedda laga keenaahi ay lama-huraan noqato.