Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu booqasho rasmi ah ku tago gobolka Hiiraan si uu uga shaqeeyo xal u helidda khilaafaadka muddada dheer ka dhex taagnaa bulshada deegaanka iyo maamulka Hirshabelle.
Safarka madaxweynaha ee magaalada Beledweyne ayaa imaanaya ka dib booqasho ay horay ugu tageen gobolka Hiiraan Wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda federaalka, oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Wafdigaasi ayaa heshiis la gaaray hoggaanka beesha Hawadle, kaas oo ku saabsan in ammaanka Beledweyne lagu wareejiyo ciidanka dowladda federaalka, si loo xasiliyo magaalada loona xalliyo arrimaha maamulka.




From the comments